Rajada maantiyo baraay

Raaxada qalbigiyo nafttaay

Rafiiqa nolasheen jeclaay

Ruuxdayda ruuxeediyoow

Raaliya nin helaa sidaada
Raguu ka mudhaa sidaydoo
Rabaa oori wacan i siiyay

Nin raga mida hesha sidaada
Riyaaq kama baxdo sidayda
Rabaa say wacan i siiyay

Rugiyo raaska nasahadaay

Qalbiga raasamaalkiisiyow

Miduu raacay maan ruxaay

Rasmiga qoyskiyo naftoow

Raaliyo nin hela sidaada
Ragu kaa mudhaa sidaydoo
Rabaa asma qurux isiiyay

Nin raga mida heshaa sidayda
Riyaaq kama baxda sidaydoo
Raba axmed cade isiiyay

Exit mobile version