Beerkagyii baa lumayee
Oon baafinaaye ma aragtay
Adigu se bawdhari hadaa tahay
Hodan baahideediyi
Maka bogsatay caashaqii

In kastoo bad qabo
Hablo baariyaaloo
Boqorkood nimceeyoo
Bilicdooda quruxdana
Biyo dahab la moodoo
Baashaalinaayoon
Boga iyo laabtiyo
Aan beerka kaga jiro
Hodan baahideedi wali kama bogsooninoo
Ma baabo'o jacaylkuye
Hableheenu baareey
Bilaw aadnimadiyo
Bariirada macaan iyo
Ma barteen jacaylkii

Exit mobile version