dhulka oo barwaaqa ah
anigoo bulshaaqo
banka jooga qoraxay

saw markaan is baranay
bildhaanta maan araga
sida tahay bildhalatay
biyo webi dhexdoodo
bahaladii yaxaaskiyo
jeebkii saw imad barin

baashalka galabtii
markaan joogney beeraha
way baqdankeeni
jacaylkii ma baaqday

anigoo u baahan
bildhaantaada inanyahay
ayaan buudka reeraha
u baryaa habeenkii

nafsi waa balaaye
waadigan buulada
qayaa reer ka boodee
hadmaad boodi donta
ana hankuman baroorli

halkuu barashadii ahayd
dhowr beri hortoo
saw lama bukoono
beerkiyo wadnaha
waxaad moodey bahalo
inuu aadmi ila qabin
boga ilama haysaan
baadkiina kama guin
biyihii kulaylka ahayd

mar uunban bogsoono
hadii aan naftani bixin
anigoo bad qaba
adiguna bastaa noqon

dumar ha u badnaaden
bani aadim waa saase
markaad taadi bogotey
miyaad laba bogleysaa

nafsi waa balaaye
waadigan buulada
qayaa reer ka boodee
hadmaad boodi donta
ana hankuman baroorli

Exit mobile version