Dayaxiyo cadceedaa
doraad la iiga yeedhoo
daruuraha korkoodaa
durmaan la iiga tumayee
dariiqaan ka laabtana
dabaylihii jacaylkaa
igu soo dagaayoo
daris aanu noqonee

midaan daawadoo kale
dunidaba ma joogtee
meeday dahabadaydii

mida dayrta ah maanta
ama daawadaa helay
amase daalayo dhacay
digfeer aawadaa galay

jacaylkii cilmiba dilaa
igu dooganaayoo
dadka kale ma aadee
anaa la iga daba riday
intaan dumar jeclaadaa
dookhu ila habaaboo
sida aan dardaranay
iska daba wareegtee

midaan daawadoo kale
dunidaba ma joogtee
meeday dahabadaydii

mida dayrta ah maanta
ama daawadaa helay
amase daalayo dhacay
digfeer aawadaa galay

Exit mobile version