Hada iyo habeenkii
Hadal barashadaynii
Helistaada mooyee
Hawo kale kumaan jirin

Hubaal weeye maantana
Inaan heegan ugu jiro
Hoolaha kalgacalkiyo
Hooy wada galkeenii

Hoodo iyo nasiibyo
Hool aan adeegsano
Hodanay amuuuruhu
Inay noo hagaagaan

Naftaana kuu hibeeyo
Hooygaad ku dhalataan
Hido raacayaayee
Haygu nacin hanti la’aan

Hal xidhaale haba qaad
Murti lagu hantaa jira
Haasawaahaynuna murti waaye
Dhaxal gal ah
Hadalkaaga madashuna
Waa hore waaba tii aan
Howraarsan kuu idhi
Aana kugu hanweenaay

Ma hungoo caashaqa
La hayaa hareeraha
Kii labo uheelani
Habeeya sideena
maray wada hergaliyaan

Naftaana kuu hibeeyo
Hooygaad ku dhalataan
Hido raacayaaayee
Haygu nacin hanti la’aan

Exit mobile version