Weli jaceeyl
Yuu ku ciiliyoo
Intuu jar iyo buuriyo
Jiro dheer karaariyay
Jeexiisa dhaxmariyoo

Markuu joogo
Meel dhaxe
Asigoon dhana jirin
Hurdada Kala jabay

Anuu iga jid helayee
Iyo jaar igu xeray adag

Alahayoow nin jeeb maran
Ka jeerjeerto xaajadu
Caawinaadu jecelaa

Weligay intaan jiray
Ee joogay maan arag
Nin habeen jilaabtay
oo nabad ku jiifsada

Ileen xaajo kaa adagee
Nafaan joog ka waayaan
Xarig adan ku jiidaayee

Ruuxa ay jamatayee, hadana
Waxa jooga dunida
Jaahayga ugu neceb
Maxay ka jirisaa
Calool jilacsanaa
Sideen ugu jaraa

Exit mobile version