taariikhda guunkaa gadaal aan uraacee
abwaan kii gab yee yidhi
wali geed intaan tagay
kama furin garleexoo
madi gooyo kama dhicin
aniguna gadiisii inaan ahay
gadhkii aan la sugi jiray
gaban aan anigu dhalay
guntaan seefta mariyoo
gaadhi waa halkaan rabay
waa talo guracan oon maskaxayda
gali karin badaaan gudhaysee
waxaan gaadhka ka haya
ee ilmahayga gurayaa
dadka kale magaadhee
maxaa gooni kaa dhigay
goday madigaan dhalin
nina gabankii uudhalay
gacantiisa kuma dilee
ma markaad gaajootaa
garaba maalin dubataa
geeraaradaydii waxaan hadalku gaabsaday
gacanta inaad kamaqan tahay
wali gayga kuma araga
galin horena naag rimi
galabtiina dhicisay
gunta ereyadaydoo
geesuun aniga iidhaaf
ninkaad doontaba guursoo
waxaan goostay kaligay
goblan yaanadkun dhimanine
gaadh oo is daba qabo
ilan waad gaboobiye
ruux gacan ku dhiigla ah
yaa guri kula xaroon kara

Exit mobile version