Hadii geel lakaladhaco
gurmadkii gurmadayo
kuwo guunyadii waday
gumac la isku weeraro
qaarna geeriyoodaan

goortaa sokeeyihu
iyo guurti adayi
geed intay fadhiistaan
garta lagu dhamayn jiray
gacan qaad afgarasholeh
gacal lagu bogsiin jiray

waxa taa gadeeda
yartu waa gayaankay
hadaan gabadha caashaqay
waxa geedka igu xidhay
guursan maysid igu yidhi
gacal iyo xigaalaba
waa godob u wadataal
aniguna ku garansani

anoo sharafta guud iyo
garanaaya xeerkoo
kuu doonay gobanimo
adiguna garaad laay
waataad igoysood
cidla iiga guurtaye

galbataye nasiibkaa
kaa gooyay laabtoo
gayaan waayi maayee
aan godob jacayliyo
ana samir gudoon sado e

jacaykaan guyaal badan
soo gardaadinayniyo
maad garan wanaagii
labadeena kala galay
mar hadii uu kala go.ay

galbataye gacalooy
waxan kugu galbinayaa
goryamo ilaahay
adigana ku gee nabad
aan godob jaceyliyo
ana samir gudoon sado,

Lyrics by badri

Exit mobile version