VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sagal - Lyrics

Sagaleey naftu Seexan weydee Sahwinaysa awgaa adaa suuradaada Oo saarey hibadee goormaad si uun oran Samri waayay aniguye saaxiibadey iyo deriskaba su`aaloo safkii aan la socon jirey weydi sidaan ahay Haddii adigu sixadaada wacantahay waqtiguna seledanaa Salaantuba ilayn marbay sed noqotaa seetahaydu wacan tahay Waxaa iga su`aalaa sidaad iila joogtey wax saarka ku tumay Sara kacoo istaag ina keena soconee ku yiri sababteedu waxay tahay Saaxiib bal ii sheeg sagal hayga qarinine Sagaleey kama daalo socodkoo Saynlaha libaaxiyo salmadiga shabeelkiyo Saryankiyo ugaadhaan surimada ku kulanaa Gaddaad saakay ladan tahay sidig kuu lamaan iyo lo`du kuu irmaantahay anna aan sumaysnahay Alle waan u simanahay waxaan sugi markeygee waqtiguna tiigsado Salaantuba ilayn marbay sed noqotaa seetahaydu wacan tahay waxaa iga su`aala sidaad iila joogtey wax saarka ku tumay sara kacoo istaag ina keena soconee ku yiri sababteedu waxay tahay Saaxiib bal ii sheeg sagal hayga qarinine Sagaleey siduu waalidkaa yahay saw intaan ku moodey anigoon sal iyo baar weli saani baran saaxiib kaama daba dhicin samir ma laha nacastiyo gurigaan sameeyiyo raaxadaan sugeyniyo subax saw kamaad tagin intaad saydhey nabadii adaa seegseega doortoo sahansadey abaartee inaan kaa samiriyo inaad sed ii noqon midkeen ku seexdaa waxaa iga su`aala sidaad iila joogtey wax saarka ku tumay sara kacoo istaag ina keena soconee ku yiri saaxiib bal ii sheeg sagal hayga qarinine Waxii aan qaldey saxid u furan
Queue is empty
-- / --