VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Sagal mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ahmed yaasiin Digfeer
Sagal

Sagaleey naftu Seexan weydee
Sahwinaysa awgaa adaa suuradaada
Oo saarey hibadee goormaad si uun oran

Samri waayay aniguye
saaxiibadey iyo deriskaba su`aaloo
safkii aan la socon jirey weydi sidaan ahay

Haddii adigu sixadaada wacantahay
waqtiguna seledanaa
Salaantuba ilayn marbay sed noqotaa
seetahaydu wacan tahay
Waxaa iga su`aalaa sidaad iila joogtey
wax saarka ku tumay
Sara kacoo istaag ina keena soconee ku yiri
sababteedu waxay tahay
Saaxiib bal ii sheeg sagal hayga qarinine

Sagaleey kama daalo socodkoo
Saynlaha libaaxiyo salmadiga shabeelkiyo
Saryankiyo ugaadhaan surimada ku kulanaa

Gaddaad saakay ladan tahay
sidig kuu lamaan iyo lo`du kuu irmaantahay
anna aan sumaysnahay Alle waan u simanahay
waxaan sugi markeygee waqtiguna tiigsado
Salaantuba ilayn marbay sed noqotaa
seetahaydu wacan tahay
waxaa iga su`aala sidaad iila joogtey wax saarka ku tumay
sara kacoo istaag ina keena soconee ku yiri sababteedu waxay tahay
Saaxiib bal ii sheeg sagal hayga qarinine

Sagaleey siduu waalidkaa yahay saw intaan ku moodey
anigoon sal iyo baar weli saani baran saaxiib kaama daba dhicin
samir ma laha nacastiyo gurigaan sameeyiyo
raaxadaan sugeyniyo subax saw kamaad tagin intaad saydhey nabadii
adaa seegseega doortoo sahansadey abaartee
inaan kaa samiriyo inaad sed ii noqon midkeen ku seexdaa
waxaa iga su`aala sidaad iila joogtey wax saarka ku tumay
sara kacoo istaag ina keena soconee ku yiri saaxiib bal ii sheeg
sagal hayga qarinine
Waxii aan qaldey saxid u furan

codkii Ahmed yaasiin Digfeer