Murtidii abwaankoo
Mudo kaaxsanaydbaa
Nigirkii ku joogiyo
Madaxa kaaga furaya

Adna nala macaansoo
Maqalkiyo dhagihiyo
Xusuusta iyo maankiyo
Miirkaba u sii daa

Waaw waaw waaw
Hambalyo dadweynoow
Waa album cusub
Oo la magac baxay
Daryeel daryeel

Oo idiin soo bandhigay
Fanaankii mudaba
Aad tabayseen
Waa fanaankii caanka ahaa
Axmed Yaasiin Aadan Faarax

Albumkan oo la curtay
Farxada ciida
Iyo sanadka cusub
Oo mahad gaara
Fanaan Axmed Yaasiin
Wuxuu mahad u celinayaa
Abwaan Cabdi Xasan
Hila dheere

Oo heesaha albumka
Midhaha iyo laxanka intaba
Waxa tumay musica
Bashiir hanuuniye
Waxana lagu habeeyay
Studio harawleey

Exit mobile version