Kulanka iyo barashadii hore
Heeyeeyaa
Jacalkeenii la kawsaday
Heeyeeyaa

Weynu korinoo weynu korinoo
Sidii ubadbaanu korinee
Weynu korinoo weynu korinoo
Sidii ubadbaanu korinee

Dadbaan nahay dadbaan nahay
Faraxada kulankoodi gacalkoodii
Kaalin qaadnee

Inankii socodka geediga
Heeyeeyaa
Kalsoonida kabad qaadyoo
Heeyeeyaa

Weynu keenoo weynu keenoo
Ragtiisii baynu keenoo
Weynu keenoo weynu keenoo
Ragtiisii baynu keenoo

Dadbaan nahay dadbaan nahay
Faraxada kulankoodi gacalkoodii
Kaalin qaadnee

Exit mobile version