Markii qaad iigu yimid
Miisaaniyo xoog isaar
Kalgacaylku aayadaa
Masaafooyin ila roor

Haduu meelo iyo
Marmarsiyo maahee
Amba moojadaan
Sii maaxaayaa

Meher diina iyoo
Guur lagu midoobaa
Ma dhaafaan xalkiisu
Midhaha caashaq waa u go,aa

Ana muhashadaydiyo
Heedhe muhashadaydiyo
Macnuhu kaama daaloo
Murtida waad u tahayee

Ana muhashadaydiyo
Macaan muhashadaydiyo
Macnuhu kaama daaloo
Murtida waad u tahayee

Ma moobiibee wuu i muday
Jacaylkii waa i malmalay
Masanooyinkeenuna
Mataal wey isku dhaw yihiin

Maalin iyo habeen
Xiligii la joogaba
Maankayga xusuus
Muuqaaga dubaa

Meher diina iyoo
Guur lagu midoobaa
Ma dhaafaan xalkiisu
Midhaha caashaq waa u go,aa

Ana muhashadaydiyo
Heedhe muhashadaydiyo
Macnuhu kaama daaloo
Murtida waad u tahayee

Ana muhashadaydiyo
Macaan muhashadaydiyo
Macnuhu kaama daaloo
Murtida waad u tahayee

Exit mobile version