barigaan ku bartaa
boog kuyeeshay wadnahee
bilaneey xusuusnoow

waa badow jacaylkoo
buurdheer kusaaroo
beerkuu kaala baxaayaaa

bilaneey abaaayooy
baadkii kasoomoo
adaan kuu baahanee

boodhari sidiisii
batalaale in la idhigaa
naftaydaan u baqayaa
ballantiyo axdigii
bilan waa ka baydhoo
adigiyo rabigaaa

ballada jacaylkaa
beerkay ku baahdoo
bilaneey xusuusnoow

baay iyo burcaan
baabuur u raacoo
bilan kaa baaafiyeee

waa barya adduunkoo
lagu baaqan maayoo
bilaneey xusuuusnoow

boodhari sidiisii
batalaale in la idhigaa
naftaydaan u baqayaa
ballantiyo axdigii
bilan waa ka baydhoo
adigiyo rabigaaa.

Exit mobile version