Naftii caashaqa kubeertee
Calooshiyo beerka hoosee
Naftii calmashada ku beertaay
Dhammaan ciriqyada jirkaygaa

Naftaan ku casuumay maanka
Naftaan ku ciseeyay maanka
Dareenkaan naftaan cidleeyn
Naftaan xiisuhu ka caagin

Cudoon taan doortay baa tahee
Oo aan caleemo saartayeee
Ikraaneey ma caweeysinnaaa

Calafka gabadhaan uyeeshaay
Inaan ceesh wada wadaagnoo
Cagaar iyo sida uldoogleh
Carfooneyaa udgoonleh

Cassaan midibkiyo hubqaadka
Cabaadhyo qoorta dheer leh
Qosolka dhoola caddaynta
Yartuu rabbi codka usiiyay

Cudoon taan doortay baa tahee
Oo aan caleemo saartayeee
Ikraaneey ma caweeysinnaaa.

Exit mobile version