Jacayl dhaba
Laba uu dhex yaal
Isu dhawaadoo
Dhexda ishaystoo
Aan kala dheeraan

Dhibiyo dheefta
Inteey wadaageen
Dhismaha guurka
Inteey dhammeeyeen
Dhiigga isa siiya

Dhaayaha nuurkoodiyeey
Dhadhami bal dhadhami
Meesha kuu dhan qalan
Adigaa dhaxalkeeda leh

Dhammays dumar
Dhiggeed wax dheeroo
Dhimbisha caashaqa
Dhaawacyada culusna
igaba dhawrtoo

Dheemman simaneey
Dharaartaan kulannaa
Dhiiggeey dhex qaaddoo
Iguna dhalaashee
Kaamana dheeraanayee

Dhaayaha nuurkoodiyeey
Dhadhami bal dhadhami
Meesha kuu dhan qalan
Adigaa dhaxalkeeda leeeee…

Exit mobile version