Gaarnay gaarnay
Guushii noloshaab gaarnay
Goobnay goobnay
Gurigii jacaylkaan goobnay
Waa maalin gaaroo
Gooni inoo ahaatoo
Guulaa aqbalay ducadii
Calafkuna garab na siiyay

Gablada iyo ciyaarta
Ku soo dhaweeyoo guuriya
Gacmo furan dhamaantiin
Kusoo dhaweeyoo galbiya
Gobsan waatane guuriya

Guuxa guuxa
Guga roob sidiisa guuxay
Aqbalnoo gudoonay
Ubixii guduudnaa gudoonay
Guurkiinu waa khayr
Gacalooy jacaylkii gaaxay
Gogoshii jacaylkaan goglateen
Galbiskiyo arooska u tuma

Gablada iyo ciyaarta
Ku soo dhaweeyoo guuriya
Gacmo furan dhamaantiin
Kusoo dhaweeyoo galbiya
Gobsan waatane guuriya

Exit mobile version