anoo shinsanaaya
shifadii farxadeena
shalayto u diidayaa
shaxdii u gogosheena

adaa shaki galiyay
shuura kala guurka
caashaqa shardigiisa
maxaan isku sheegna

shucuurta warkaaga
sheekan u arkaa
dareen shubahaaga
sheekan u arkaa
damacaa galowshowgaa
sheekan u arkaa
garashada shilinka ah
sheekan u arkaa

maxaa shacnigeena
la isku sheega aduunka
sharci iyo hiyo dawdheera
shisha looga hayaamey

jacaylkii la isla shiilin
ninba sheeda ka joogin
shashabuu ka jabaa
shalaytuu ku baraaye

Exit mobile version