dhulkeeni balaadhnaa
baaxadiisu waynayd
waanigii ka baadee
BOQOROW i nabad gee

boorama hargaysiyo
bali gubadle iyo sheekh
beerihii gabilay
burciyo barbara
buuhoodle iyo hawd
badhan aynu gaadhno
dahar aynu gaadhnee

barta laascanood
boosaaso iyo bari
garoowaha ku baal naban

ceel buur ku yaaliyo
caabud waaq bu'deediyo
guri ceel ha baal marin
cadaado ha baal marin

ceel buur ku yaaliyo
jawhar bu'deediyo
ceel dheer ha baal marin
ceel baraf ha baal marin

heelay heelay heelay waryaa
waryaaba heelay heelay waa

banaadir iyo xamar iyo
boondheere iyo balcadiyo
beerihii afgooya iyo
allow yaa bildhaansada baay
bilo yaa ku dhaxa bakool
baraawaha boga xiga
baladwaynta iyo caanka iyo
bulaa buudiyo baldaymataba

aan goobilii goobilow
babaygii jamaamiyo goobile
buwaale kismaayo iyo goobile
bartu geelu daaqayiyo goobile
baar dheeroo loo bogiyo goobile

gedo baalaheediyo goobile
balad xaawo iyo luug goobile
baydhaboo badhtankeediyo goobile
bardaaloo baaxad wayn goobile
higtooriyo buur hakabo goobile
markaan u baqoolo oo
goobile goobile goobile

ay hobaalayow hobolow hoba hobaalow
kala baydh wajaale iyo
saylaca bad dhaw lahow
bilicdii jabuutiyo
cali sabiix ha baal marin

qoraxay bankeediyo
girta oo barwaaqo ah
allow yaa jigjigaay
nabad kugu bariista

hoobeey barbaarta intaa taalbaa hobeey
hobeey booqo aan is leeyahayoo hobeey
hobeey barasho iyo bariidaan hobeey
hobeey ku sidaa bogaygoo hobeey
hobeey beerkaa idin tabayee hobeey
hobeey bulsho yahay ma nabadbaa hobeey

Exit mobile version