VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaayahii - Lyrics

sida dhuda jaleeliyo dharaarweeyne iyo dheel ama dheegga gaalood dhuumihii nugaaleed dhaymoole iyoo bixiin oo dhibic gudgudayoo mayaygu dir dhabayoo dhulka qariyay dooggii dhudhub ubax kuyaalbaan sidoo dii ku dheehda ragna kaa dhawaystee dhaayahii naftaydoow adna ha iga dheeraaan sida dhaban dusheediyo dhahariyo hadaaftimo ama dheegga wagareed dhugashada wajaaliyo dhuumoole iyoo sanaag bari oo dhool hilaaciyo dhanna nagiya heliyoo dhirrtu ay magooshoo ubax dheel ka kacaybaa sidoodii kudheehdaa dumar kaa dhaweystee dhaayihii naftaydaay marna ha iga dheeraan sida udub dhexaadkuba habka dhigaha raaciyo dhudub loola kala dhacaa dabaylaha dhantaaliyo dheelli uga ilaashaa jacaylkeennu dhidibniyo axdigii dhexdeennaa annaa weli u dhowraa wadnahayga dhinaciyo qalbigaad ku dhigantahay ragba kaa dhaweeystee dhaayihii naftayfoow mrna ha iga dheeraan sida xididka dhamastu joogdheer carada hoos inta uu udhaadhaco jiriddiisa dhumucda leh dhulka ugu adkeeyaa jacaylkeenu dhidibniyo dhabtii caashaqab dhammaan waaxyahaygiyo dhiiggaygaad ku milan tahay dadna kaa dhaweeystee marna ha iga dheeraan.
Queue is empty
-- / --