VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhaayahii mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ahmed zaki
Dhaayahii

sida dhuda jaleeliyo
dharaarweeyne iyo dheel
ama dheegga gaalood
dhuumihii nugaaleed
dhaymoole iyoo bixiin
oo dhibic gudgudayoo
mayaygu dir dhabayoo
dhulka qariyay dooggii
dhudhub ubax kuyaalbaan
sidoo dii ku dheehda
ragna kaa dhawaystee
dhaayahii naftaydoow
adna ha iga dheeraaan

sida dhaban dusheediyo
dhahariyo hadaaftimo
ama dheegga wagareed
dhugashada wajaaliyo
dhuumoole iyoo sanaag bari
oo dhool hilaaciyo
dhanna nagiya heliyoo
dhirrtu ay magooshoo
ubax dheel ka kacaybaa
sidoodii kudheehdaa
dumar kaa dhaweystee
dhaayihii naftaydaay
marna ha iga dheeraan

sida udub dhexaadkuba
habka dhigaha raaciyo
dhudub loola kala dhacaa
dabaylaha dhantaaliyo
dheelli uga ilaashaa
jacaylkeennu dhidibniyo
axdigii dhexdeennaa
annaa weli u dhowraa
wadnahayga dhinaciyo
qalbigaad ku dhigantahay
ragba kaa dhaweeystee
dhaayihii naftayfoow
mrna ha iga dheeraan

sida xididka dhamastu
joogdheer carada hoos
inta uu udhaadhaco
jiriddiisa dhumucda leh
dhulka ugu adkeeyaa
jacaylkeenu dhidibniyo
dhabtii caashaqab
dhammaan waaxyahaygiyo
dhiiggaygaad ku milan tahay
dadna kaa dhaweeystee
marna ha iga dheeraan.

codkii Ahmed zaki