sida ubax dhalaaloo
dheemaneey hargeysiyo
ka dhex baxay tog dheerbaad
dhaayahayga qaadoo
kuma dhaafayee garo
garoowiyo dhulkeenii
dhoobadii udgoonayd
ama beenyo dhaadheer
dhugashadaad u roontoo
waan kugu dhawee garo
hadaan dheef wadaagnoo
dhay xamar ku maalnoo
dhalintuna ciyaaraha
arooskeen ka dheeelaan
way inoo dhacnaan lahayd
hadii dhuuxa jigjiga iyo
halka dhaqanka laga helo
dhaanto aan ka tumanayn
farxad baaan la dhicilaa
dhaxantiyo qabowgiyo
dhibtu waxay na dayn layd
xeebta dhinacyadeediyo
dharabkii jabuutoon
dhamayseey u dhoofnoo
caashaqeenu dhaxaliyo
dhadhan wuxuu ku leeyahay
dhami waa dhulkeenii
gaarisiyo madheeriyo
wajeerna ha dhinac marin
laba jacaylku biyo dhigay
dhidig iyo lab baa nahay
dhaliil laga ilaashoo
aan kala dhantaalaynoo

Exit mobile version