dhalanteedka caashaqu
ma dhaboo naftaydaa
ani dhamac ma igu shiday
ma i saaray buur dheer
qalbi dhaawacmaan abid
dhayal kuba bogsoon karin
anuu igu dhex nool yoo
igu dheelayaa wali
adna ma aanad dhaadine
nacab dhuumanaayiyo
dhalanteed run moodayo
reerkan dhisaynaa
inanyahay dhantaashoo
waadiga cidlada dhigay
dhaxalsiiyay waayaha

waxa layga soo dhacay
nafsiyoo dhankaagoo
dhagar caashaq iga galay
adigaan ka dhiidhiyin
wali waxaan dhursugayaa
dhib wuxuu i mariyooo
intuu nabara igu dhigay
dhakhtar tii ka noqon layd
adna ma aanad dhaadine
nacab dhuumanaayiyo
dhalanteed run moodayo
reerkan dhisaynaa
inanyahay dhantaashoo
waadiga cidlada dhigay
dhaxalsiiyay waayaha

Exit mobile version