inkastoo darmaanyahay
la igu dagay kalgacalkoo
daalkiyo dhibtaan maray
maankayga doorsheen

daacadbaan hungoobine
dumarkiyo jacaylkaba
wali waan ka didayaa

qalbigii daboolnaa
daaha aan ka qaadoo
dadab kula yagleelee
ha igu noqon midii aan
ku hun goobay door hore

aan kula dardaarmee
dawadayda ii noqoo
dir diraale waligaa
daris yaanu kula noqon

daartaan ku noolnahay
hadal dabacsan mooyee
dibin daabyo ka ogow

Exit mobile version