inta la kookooliyaa
kalgacal loo hiiliyaa
dareen baa lagu korshaa
ha kobcee lagu wada
hadmuu kaalintiisii gabay
kobtay himiladu lahayd
jacaylka kala bogsaday
xasuusaha kayd u galay
kohdee lahashada ku maqan
miyaa hadal koobayaa

caaashaqu waa kal iyo laab
kaskiyo maankaa lagu hayee
inuu kaahiyo ilays
iftiinkeenoo noo soo hiraa
kulkiyo uga dhawri jiray
kadeedkiyo hawlahee
jacaylka kala bogsaday
xasuusaha kayd u galay
kohdee lahashada ku maqan
miyaa hadal koobayaa

Exit mobile version