ubaxaa ruxmaayee
il biyo le ku yaalee
sidaa tahay ufiyo laydh
ama uduga geedaha

waxaaan la ashqaraaraba
miyaan eegmo dhugashada
indhahaaga cawsha
hayn waayay aragtida

aayatiinka nololeed
ismuhaan ALLAHAYOW
ubad ii dhashaayooy
ooridayda noqoataa

siduu qays aduunyada
layla u ogalaadee
iyagoo awaaraha
waayaha ku oogsaday

anbadoo ku kala lumay
uga aamus diidaa
ana ula irdhooboo
u adkaysan waayee

Exit mobile version