abidklay intaan jirayeey
uma mudan jiro iyo ciileey
qof anoo cisayn jirayayeey
misna jaray wanaagiyeey

markay jaanta rogataan
aniguna ka jeestaa
mana jidhidhicoodee
jaaniskay banaysaan
mid ka sii jamaal wacan
jago uga yagleelaa

qofna anigu uma jabo
guushana JALIILKIYO
RABAA igu jidayn kara
ruuxii i jara iyo
midaan iiba jeedin
ana jaanis uma helo

waligay intaan jirayeey
qof i jecel dhib maan badinee
haduu jara habow dhacana
kama daba jarmaadeene

markay jabiso wacadkana
ana jaw idhaahdaa
mana sii jaleecee
dhibka ruuxa ila jecel
jeeray ahaataba
uma joojin waligay

Exit mobile version