Marwo suuradloo
Dhaqan suubanoo
Sinjigeed gobyoo
Saacida la
Saayatee badroow
Saamiya nin helay
Ragba ragba
Ragba lama sinee
Sumcadeeda dhawr
Ragba lama sinee
Sumcadeeda dhawr

Hobeey sali iyo quraan hoobeey
Hobeey samo iyo xaqdhawr hoobeey
Hobeey sasabiyo dulqaad
Iyo sharaf ku soor

Saatiroow aloow
Ka sawaab dhibkoo
Ubad khayr leh sii aamiin
Ubad khayr leh sii

Suldaan geesiyoo
Sumcad fiicanlaa
Saatirku aqbaloo
Sayid kuu noqdee
Saamiyaay ogoow
Sayigaaga bari
Subax subax
Subax iyo habeen
Ku salaan jacayl
Subax iyo habeen
Ku salaan jacayl

Hobeey sali iyo quraan hoobeey
Hobeey samo iyo xaqdhawr hoobeey
Hobeey sasabiyo wanaag
Iyo sharaf ku soor

Saatiroow aloow
Ka sawaab dhibkoo
Ubad khayr leh sii aamiin
Ubad khayr leh sii

Exit mobile version