maxaan dadka kaa xushoo
marwooy aan ku daawanaayay
maxaan dunidaba dhamaanteed
mudnaanta koowaad ku siiyay

kolkaan maamuusay xidhiidhka
miyaad dhagar ii maleegtay
anigoo kuu maqan adiga miyaa
mooraalkayga jabisay

ma munaafaq dabkeena shidaa
maqashaa maqashaa warkiisa
mise nacab naga wada maadaystaa
gacalkaaga mooday

ha inoo midho dhalo jacaylkuye
ii dhago nugloow macaaneey

meeqaam meeqaamk jacaylka
marnaba nacab anuu uma loogin
micnaha qoyskeena suuban
anigaa murugada ka dhawray

marwadaan garanaynin samaanta
xaaskaan mayalkeeda adkayn
micno yari intaa u jeeda
maamuus qoyskeedu ma yeesho

Exit mobile version