raasamaalka dunidaay
rays iyo dhul baadlaay
ricidhahaa wadnaha iyo
rubada iyo beerkaay
rugta buurta daaliyo
taleex roob ku hooro
reexaan udgoono
lagu reeyay baad tahoo
rafiiqayga noloshaay
raxmad eebe bixiyaay
nafta waan ku raacshe
hoo gudoon raaqiya
raaqiya ho gudoon

raaliya haween iyo
raas lagu nagaadaay
nafta raaxadeedaay
aasaaska reerkaay
laamaha rumaankee
risiq laygu daray
ruux manka yeeshaay
raxmad iyo barwaaqo
rafiiqayga noloshaay
raxmad eebe bixiyaay
hoo gudoon raaqiya
raaqiya hoo gudoon

Exit mobile version