taniyo maantaan tashaday tirada toban iyo shan jeer
jacayl igu taamay baa tin iyo cidhib igu taxnaayoo
ma tagin tii la igu tolay
ma tume ma tage ma tudhe igu turun turee
dhigtiyo udubkaan turkiyoo tusmiyo reerkan
dagaba tashuushbuu igu furaayoo gabdguhu
ka dhex tuurayaa talana kama maar mayoo
dadwaynohoo idil toydee jacayl ma tanaasulaa
tan iyo maantan tacliin tayaysiga tacabir tagay
kalgacal aan iga tirmayn uunbaa idul taaganoo
taaluu ii saaranyahay
markaan taban taabiyuu waliba igu sii tarmaayoo
tusaalena kuma qancaaye wuxuunbuu sii tabanayaa

Exit mobile version