naf tigtiganbaa kugu tolanoo
tus kalgacalbaa igu taagane

naf ku tabibaa kugu taamtoo
tus kalgacalbaa igu tiixaye

toobiyaha nolol waa tub toosane
rajo tiigsiga ha takoorine ila taakuli

todob lahashaa igu tumaayee
tusmo iyo guur ii tilmaamoo adi noo tali

dhiiga tabiyaay ku taxan wadnaha
tii ku taalay toos u soo soco

tiirka dhabarkiyo taagtaan leeyahay
taabun qaadoo toos u soo soco

taan tilmaantee tiigsanayaay
waxtarkaygaay tunka soo fuul

kaan tix galiyeen tiigsanaayaw
tabantaabi tunka bal i saar

Exit mobile version