caqliga aan tujiiyiyo
markuu tasho yidhi qalbigu
wuxuu ka talaabiniyo
markuu taako dhigay wakhtigu
sinaba adoon iga tigin
waadigii itabantaabiyee
ilaahow turunturiyo
dhib iyo tooskaa jiroo
naftaad ku talaalan tahee
tusbaxa caashaqa usido
talaabada quruxda lihiyo
timaha dheere quruxda
dhabarkaaga lasaariyo
dibnaha tukhulkee madow
haween waa kaga tagtoo
majiro ruux kula tartama

hodan taariikhdaada iyo
tabtii waa hore la maray
xusuuse aan iga tirmayn
ayaa igu taaganoo
jaceylkeenii taxnaa
markuu turuqiisu liicay
dhankaaga ka tiirisaye
macaan taxaliil janiyo
qardhaas lagu tolay jidhkiyo
tusbaxa caashaqa usido
talaabada quruxda lihiyo
tumaha dheeree garbaha
tunkaaga lasaariyo
dibnaha tukhulkee madow
haween waa kaga tagtoo
majiro ruux kula tartama

Exit mobile version