aqoon garashiyo akhlaaq wacaneey
aabihii dhalay tuu edaabta baraay
ooridaa nin hantaa ku oon baxayee
dhul aara le tii kusoo ababtaay
ilayska naftee maankiyo qalbiga ifiyaay
ugbaad xila jano amaan mudan
istaahisha caashaq aan gudhin
waxaad tahay ubax udgoon badanle
jacaylka adkee ogoow waligaa
astaan kalgacayl jacayl unkamaay
eegmadaa kaliyaa indhahaad deeqdoo
uurkaa jecel aheey ag joogaage
hablaha idilkood adaa u sitoo
aynigaa kumaan arag aduunyada e

Exit mobile version