VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Filsan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ahzaab osmaan
Filsan

Rabaa rabaa rabaa igu kaa galaday
maxaan gacal kuu qabaayoo
jaceylkuna igama go’ee

Hablaha gayigeena joogaan
adan kuu guuxayaayoo
waliba gaar kuu ahay

Galabti hadalkaad i tiri
gacalo nabarkii i gaaray
guntiyo beerku i jaray

Hadaan hurdo gama iraahdana
adaa gaar iga hayoo
wadnaha garabkiisi baad
habeenkii ku gaardisaa

anoo anoo anoo filsaney ku jecel
anoo awgaa u go’ay
armad iga guursataa

anoo anoo anoo geenyooy ku jecel
anoo awgaa u g’ay
armaad iga guursataa

Boodhari godobtuu u go’ ay
dadki garabku ka waayay
tabtiisi arman noqdaa

Waxaan heesti ku gooyay
go’anka adaa iska leh
garowso gaad baan u aal

Hadaan hurdo gama iraahdana
adaa gaar iga hayoo
wadnaha garabkiisi
baad habeenki ku gaardisaa

Lyrics by Moha Wali

codkii Ahzaab osmaan