Markaan ku arkay baan ilwaadeey
nafteydii ku ogolaatay
jaceylkaad igu abuurtaad
ruuxeeygi olol ku beeray

Aroortii waa baryaba
ileys iyo sida cadceedee
ayaansaday maalintoo
ilaah igu kaa galaday

Abaal baan kuu hayaa
waxaa tahay ooridan
nafteyda ku aaminay
sidaan kuugu uursamahay
oraah kuma koobi karo

Aqlaaqdiyo edebta iyo hoy
asluubtiyo dhaqanka wacan baa
darmaan lagu abaabiyoo
waxaa tahay ubax carfoon

Iliila xareeda iyo
waxa tahay sida ugbaadeey
arwaaxdeydiyo qalbigu
hubaal ku oonbaxdee

Abaal baan ku hayaa
waxaa yahay ooridaan
nafteyda ku aaminoo
sidaan kuugu uirsamahay
oraah kuma koobi karo

Lyrics by: Moha wali

Exit mobile version