mudantii jacaylkaa
ma huraantii noloshaay
midkuu maan raacee
naftu ku mabsuudaye

mawlaan ku mahadshaa
marwo iiga ka dhigaye
markii aan ku milicsadan
muxibo maquurtaye

maareyaha qalbigay
maamulaha dareenkay
intaan aan ka maqanahay
waan kuu maqanahay
meeshii aan istaagana
waad iiga muuqanaysa

masiibada dunidiyo
murugtiyo dhibtaba
mawla ka xijaabyoo
maamuus igula noolow
ka maag nacabkeeno
meel ladan ka joogso
mabdaeenu yaanu
malahu naga dumin

Exit mobile version