VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Cayuuni mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ak Qanciye
Cayuuni

Abaayooy
cayuuni raali noqo
Quruxeey raali noqo
Sweatii raali noqo

Abaayooy
cayuuni raali noqo
Quruxeey raali noqo
Sweatii raali noqo
Waa lagugu gafee
Naga raali noqo

Abaayo raali noqo
Cayuuni raali noqo
Doqonka ha u joojin
Dulmiga waan u jeednaa
Ha u jabin Ha u bixin
Ha u murgin ha u dhicin
Ha u kufin
intaad qosasho Faraxdo
Qeyrkaa Ku dhaaf
qosol iyo kalsooni
Fast mast
Dulmiga waan u jeednaa
Danaystaha weeyi ka daahan
Dunidaa marba cayn cayna
Damiir laawe lagama waayo
Ma qaldame waa ale
Niyadaada ha xumayn abaayo
Anagaad noo tahay sharaf
Anagaad noo tahay gabadh
Anagaad noo tahay qurux
Gabdhahaad u tahay hormuud
Intaad qosasho faraxdo
qosasho Qeyrkaa ku dhaaf
qosol iyo kalsooni

Abaayooy
cayuuni raali noqo
Quruxeey raali noqo
Sweatii raali noqo

Abaayooy
cayuuni raali noqo
Quruxeey raali noqo
Sweatii raali noqo
Waa lagugu gafee
Naga raali noqo

Ha la dhaafo dhibaatada
Dhibco badsi naga daaya
Foolxumo naga daaya
Maalin walba mayd iyo
Mid baa la wadaa
Mid baa la wadaa
Maxay tahay Mid baa la wadaa
Dumarkiina dhowra dhowra
Xumaantooda diida diida
Qalbiga ha ka jabin
Niyadana ha ka dilin
Fikir dheerna ha u dirin
Maskaxdana ha ka galin
Quluubtana ha ka dhibin
Quluubtana ha ka dhibin

Video ha ka duubin
Facebook ha iga dhigin
Ragiinow is muujiya
Ceebaha naga dhaqa
Dumarkeena yaan la caayin
Sharafteenay dhawrayaan
Dhiigeenay na dhaafayaan
Kabteenay tolayaan
Karfantooda yaan la tolin

Abaayooy
cayuuni raali noqo
Quruxeey raali noqo
Sweatii raali noqo

Abaayooy
cayuuni raali noqo
Quruxeey raali noqo
Sweatii raali noqo
Waa lagugu gafee
Naga raali noqo

All my queens
Hadal daran igahooda
Waxa tihiin famos
Sharaftiina dhawra
Ma tihiin qof moos
Iga daaya jileeca
Sinjigiinu waa gob
Waxa tihiin soomaali
Caqligiina kaashada
Cadawgiinu uu batay
Hooskiina la socda
God dheer ha ku dhicin
Dadka dhan waxay dhaheen
Gabdhihiina way halaabeen
Maya maya filimkaa iga xira
Gabdhaheenu waa gob
Suuradooda lama helo
Garaadkooda lama gaaro
Garaadkooda lama gaaro
Garaadkooda lama gaaro

Isku kalsoonaada
Horumarkiina u istaag
Yaan la dhihin
walaashaa waakaa
Yaan la dhihin
Sawirkeeda qaawanaa
Yaan la dhihin
Media ayay taalaa
Cadawgiina cagta hoos
Cimrigiina ha dheeraado
Milgihiina maafiyo
Milgihiina maafiyo

Abaayooy
cayuuni raali noqo
Quruxeey raali noqo
Sweatii raali noqo

codkii Ak Qanciye