Kalsoonidu waa sad wayne
Hadii kal furnaan jacayl ah
Karaamo qof kuugu baaqo
Kashiisana kuu baneeyo
X2
Hadaanad karayn laqaybso
Kalmaa lagu xoojiyaaye
Kadeed marna uma banana
X2
Naftana kuhashadiyo jaylka
Hadaanu kabayn dhigeedu
Hubaal kalgacayl kadhorsan
Kulayl iyo waa haraade
Nabsina waa laba kaldaaqe
Is fahan iyo kulan katali
X2
Karaahidu waa lur baase
Hadii kufkiyo asaagaa
Kaligaa ruux kaa jeclaado
Kartina cishqi kugu yeedho
X2
Adoon kashifayn xogtiisa
Hadaanad kabayn dhibtiisa
Runtii lama kado hankiisa
X2
Naftana kuhashadiyo jaylka
Hadaanu kabayn dhigeedu
Hubaal kalgacayl kadhorsan
Kulayl iyo waa haraade
Nabsina waa laba kaldaaqe
Is fahan iyo kulan katali
X2