Shinbir yahow runtii raran
Iyo qabobaha adaa dhex
Rooroo rafaad dareeminee
Fariintana kugu raroo ilaa
Rugta ay nagaad kusugan
Tahay kuma ragaadsho
Roobkuye rabigeen haku
Saacido x2
Aduu ku raadiyaa dheh
Raacdadaaduu kujiraa
Dheh wali raad kaaguraa
Dheh rafaad buu kuu
Maraa dheh x2
Riyadiisaad kujirtaa dheh
Raysan waayay owgaadheh
Rag iyo dumar diid owgaa
Dheh dartaa buu riiqmayaa
Dheh x2
Inuu kuheluu rabaa dheh
Rugtiis kuladoonayaa dheh
Haraad weli u qabaa dheh
Hadana dartaa uroorayaa
Dheh x2
Aduu kuu reemayaa dheh
Dabaylaha u raacayaa dheh
Nagaaday kaa rabaa dheh
Rug iyo reer inaad degtaan
Dheh x2
Raran iyo kulayl buu dhex
Roorayaa dheh rasmi kaa
Rabaa dheh raaxana diid
Awgaa dheh dartaa buu
Riiqmayaa dheh x2
Inuu kuheluu rabaa dheh
Rugtiis kuladoonayaa dheh
Haraad weli u qabaa dheh
Hadana dartaa uroorayaa
Dheh x2