Dhalaanka haabaabisaay
Dhul dharkaga soo ordiyo
Waxay dhaayuhu qabteen
Haduu dhalanteed ahaa
Dhalaanka haabaabisaay
Dhul dharkaga soo ordiyo
Waxay dhaayuhu qabteen
Haduu dhalanteed ahaa
Anoo awgaa dhan qalan
Dhawaaqaagana u nugul
Jacaylkuna iga dhab yahay
Hadaanad hadaanad
I dhaadananayn
Anoo awgaa dhan qalan
Dhawaaqaagana u nugul
Jacaylkuna iga dhab yahay
Hadaanad hadaanad
I dhaadananayn
Naftayda doorka jeer
Fogaanta u dhaawacdee
Sidii dhabanada wajiga
Qalbiga labadiisa dhinac
Dhirbaaxadu daashataa
Maxay kuu dhigi laayihiin
Naftayda doorka jeer
Fogaanta u dhaawacdee
Sidii dhabanada wajiga
Qalbiga labadiisa dhinac
Dhirbaaxadu daashataa
Maxay kuu dhigi laayihiin
Xasuuso dharaar horiyo
Dhacdooyin layaab badnaa
Haday dhuumaha ku yaal
Wadnaha i dhex qaadayaan
Xasuuso dharaar horiyo
Dhacdooyin layaab badnaa
Haday dhuumaha ku yaal
Wadnaha i dhex qaadayaan
Dhaleecada aad fashiyo
Dhibtaad i gaysatana
Dhaliishay yeelatana
Haday haday
Haday dhagartayda tahay
Dhaleecada aad fashiyo
Dhibtaad i gaysatana
Dhaliishay yeelatana
Haday haday
Haday dhagartayda tahay
Naftayda doorka jeer
Fogaanta u dhaawacdee
Sidii dhabanada wajiga
Qalbiga labadiisa dhinac
Dhirbaaxadu daashataa
Maxay kuu dhigi laayihiin
Naftayda doorka jeer
Fogaanta u dhaawacdee
Sidii dhabanada wajiga
Qalbiga labadiisa dhinac
Dhirbaaxadu daashataa
Maxay kuu dhigi laayihiin