Mar hadaad aduuniyaadba
Hesho darteed ileen maya
Ugu halista cadawgiyoo
Hantaaqada dadkuna badan
Hadalhayntu waa sharaf
Markaa tahay qof hurumaray

Mar hadaad aduuniyada
Hesho darteed ileen maya
Ugu halista cadawgiyoo
Hantaaqada dadkuna badan
Hadalhayntu waa sharaf
Markaa tahay qof hurumaray

Xan yaraantu guushiyo
Waa u halis naftaadee
Magacanoo inta u badan
Habeen noqo markuu tago
La iraahdo hebel
Halhays reebo iyo dhaxal

Xan yaraantu guushiyo
Waa u halis naftaadee
Magacanoo inta u badan
Habeen noqo markuu tago
La iraahdo hebel
Halhays reebo iyo dhaxal

Halaa wali ma joogtidee
Ogow hanashadaadiyo
Hiigsigaagu waa wali
Hilaac meel ka dilig yidhi
Ha ku guurin sahanlii
Gacan haadis beeniyo
Hadimada dadkaa badan
Hubsimadaa ka dhig sahay

Hal hal wali ma joogtidee
Ogow hanashadaadiyo
Hiigsigaagu waa wali
Hilaac meel ka dilig yidhi
Ha ku guurin sahanlii
Gacan haadis beeniyo
Hadimada dadkaa badan
Hubsimadaa ka dhig sahay

Alahayoow nin hoobaan
Malab siiya kii hoday
Mahakrade dulqaad badan
Hado wiilasha geesigaa
Hohobta dhaba hareergala

Alahayoow nin hoobaan
Malab siiya kii hoday
Mahakrade dulqaad badan
Hado wiilasha geesigaa
Hohobta dhaba hareergala
Hado wiilasha geesigaa
Hohobta dhaba hareergala
Hado wiilasha geesigaa
Hohobta dhaba hareergala

Exit mobile version