Niyada hadafkiyo
Hamiga gaadhaay
Ilaa da sahanke
Ku goorayey haantay
Hilaaca biligliyo
Roobkii ihela
Hantiyo kalgacayl
Qalbiga hadhsataa
2x
Haday maqan tahay
Midaanan hadh galin
Naftani ku hamidoo
Hurdada xawishee
Shaqadii hakiyo
Dartaa hawlihii
Hankaa u sal kacay
Halkaad joogtooo
2x
Laabtayda habaay
Naftayda hagaaay
Mulki dunidee
Nolosha ku helaay
Hoodo quruxey
Sharaftan huwadaay
Jacaylka u hano
Sidan u hayoo
Ku hay adiguna
Halku ku hudmay
2x
Hidaha dhaqankiyo
Hubqaad hoylaay
Habkii xaragda
Hanan socodlaa
Halhays la dhaxliyo
Taariikh ka hadhaay
Haweenba dhamaan
Habluhu ku daydaay
2x
Hanka kaabaay hadhac
Aan ku nastiyo
Hogosha iidahdiyo
Naqaan ku hirtaay
Ceebaha iga hira
Habeen ima dhiba
Habeeya rabow
Balaayo ka hay
Habeeya rabow
Balaayo ka hay
2x
Laabtayda habaay
Naftayda hagaaay
Mulki dunidee
Nolosha ku helaay
Hoodo macaneey
Sharaftan huwadaay
Jacaylka u hano
Sidan u hayoo
Ku hay adiguna
Halku ku hudmay
2x

Exit mobile version