Inanyahay magooshee
Mahiigaan sidiisii
Maankayga qaadee

Inanyahay magooshee
Mahiigaan sidiisii
Maankayga qaadee

Maxaan kuba masaalaa
Muuq dheeree sheekadan
Maxaan kuba masaalaa
Muuq dheeree sheekadan
Nuurkeeda macaan
Marinkeeda macaan
Maan seegin aniguye
Marinkeed ma haysaa

Maxaan kuba masaalaa
Muuq dheeree sheekadan
Maxaan kuba masaalaa
Muuq dheeree sheekadan
Nuurkeeda macaan
Nuurkeeda macaan
Maan seegin aniguye
Marinkeed ma haysaa

Waa mid inagu mudan
Waa waa mid inagu mudan
Ka fiiraynin maalmoo
Mawle aan u magansaday

Waa mid inagu mudan
Waa waa mid inagu mudan
Ka fiiraynin maalmoo
Mawle aan u magansaday
Mawle aan u magansaday

Inanyahay magooshee
Dadku kala mug weynoo
Qurux lama masoogee

Inanyahay magooshee
Dadku kala mug weynoo
Qurux lama masoogee

Maxaan kuba masaalaa
Muuq dheeray muhashada
Maxaan kuba masaalaa
Muuq dheeray muhashada
Madasheeda dugsoon
Madasheeda dugsoon
Muxibay i galisee
Marinkeed ma haysaa

Maxaan kuba masaalaa
Muuq dheeray muhashada
Maxaan kuba masaalaa
Muuq dheeray muhashada
Madasheeda dugsoon
Madasheeda dugsoon
Muxibay i galisee
Marinkeed ma haysaa

Waa mid inagu mudan
Waa waa mid inagu mudan
Ka fiiraynin maalmoo
Mawle aan u magansaday

Waa mid inagu mudan
Waa waa mid inagu mudan
Ka fiiraynin maalmoo
Mawle aan u magansaday
Mawle aan u magansaday
Magansaday

Exit mobile version