Naftayda badh keediyay
Bogaad wehelka u ahayd
Wakaa bohol yoobayee
Qudhaan kugu baanan
Jiray maxaan ku bax
Naaniyaa X2

Kumee boqora daydiyay
La'aantaaba wareerayoo
Cidlooday markaad
Baxdoo booskaad ku
Lahayd qalbiga lawaa
Ruux buuxin kara X2

Aduun bari iyo galbeed
Luwista ugu quruxda
Badan hadii la iisoo
Bandhigo bartaan sawir
Kaaga sudhay miyaan
Ku badali karaa X2

Bu'diyo indhahaygiyay
Kashaad burjiga u ahayd
Wataa baaxaa dagtee
Xiskii ku bidhaan san
Jiray maxaan ku bog
Siinayaa X2

Ku aaway badhkaygiyay
Kali kali baan noqdoo
Bukooday markaad
Tagtoo boogihii ku ag-
Yaal wadnaha lawaa
Ruux baanan kara X2

Aduun bari iyo galbeed
Luwista ugu quruxda
Badan hadii la iisoo
Bandhigo bartaan sawir
Kaaga sudhay miyaan
Ku badali karaa X2

Exit mobile version