gari makaa baxdaa
adiga ma ku gashaa
adiga ma ku geydaa
adiga talo makaa go’daa
gabadhyahey nin baa yidhi
ha gardaayo caashaqa
kalgacaylku gob weeyaan
kii la caabin weyaan
hadalka iyo guntiisii
ugu galey halkisii
mise geedi baa dhiman

gari makaa baxdaa
adiga ma ku gashaa
adiga ma ku geydaa
adiga talo makaa go’daa
jaceyl guulalee rabaa
gacmo furana lagu darey
farxad lagu gardaashaa
gabdho loola ima jirey
ninba miraha uu guran
geedka wuu yaqaan
noloshiisu waa u gaar

gari makaa baxdaa
adiga ma ku gashaa
adiga ma ku geydaa
adiga talo makaa go’daa
garcadaawo sheekada
gar miyaad ku goyseen
u baratey gaadmada
iyo uur ku raagnimada
usha xubinta laga goyn
geel jiraa yaqaanee
maxaa adiga kaa galey

gari makaa baxdaa
adiga ma ku gashaa
adiga ma ku geydaa
adiga talo makaa go’daa
godob ruuxii laga galey
gocashada ma daayee
kii galeyna maba oga
gashiguu amaahdee
sarbeeb la isu guud maro
gudhan baa hor joogtee
waa inoo gun iyo baar

gari makaa baxdaa
adiga ma ku gashaa
adiga ma ku geydaa
adiga talo makaa go’daa
aanu gorey haldhaa iyo
guryo dhaaxo taagee
adna garayo cawliyo
geeli ooman baad tahey
shimbir garab la baad tahey
gudgudaha dhawaaqa
garbo yaanu kaa ridin

gari makaa baxdaa
adiga ma ku gashaa
adiga ma ku geydaa
adiga talo makaa go’daa
gobi waxey u hoyataa
guri nabadi talaa
garna waxey taqaanaa
ka garaabaheedii
waxii sheeko kuu qaba
hadaan maqalka laga gurin
inuu gaabsadaa u roon

Exit mobile version