Daruuraha cirkoo shuux
soo shubey aroornimo
dabeyluhu shanqadhiyuu
shabax leeyihiin doogii

Shishe qofaad u jeceshahay
sheeko ma isla oogteen
iyo shuqulka caashaqa
baahida ku shawtin

idinkoon wax sheeleyn
sheekada ma qabo dhigin
sharacalee xishood jira
waa shax laba gayaanee
siyar maw shushubiseen.

Shishe qofaad isu tiqiineen
adigoo shida u qabey
jaceylkaa ku shidayee
sheerayahaagii shiifteen

Damqashii ku shaqalneyd
sheedaha xubnaha culus
shey duuley weeyee
markuu shiiqey nabarkii

idinkoon wax sheeleyn
sheekada ma qabo dhigin
sharacalee xishood jira
waa shax laba gayaanee
siyar maw shushubiseen

Sheeka habeen adoo rabey
sheeka iyo waxyeeliyo
kaa maarey sheydaan
shariyaha ma kulanteen

waxaad shaamareerkiyo
shawgii kalgacalkii
xidigaha la shawrtaba
maka qaadey shaacii

idinkoon wax sheeleyn
sheekada ma qabo dhigin
sharacalee xishood jira
waa shax laba gayaanee
siyar maw shushubiseen

Exit mobile version