Inkastoon ku naawilo
Sawirada agtaydiyo
Aqalkayga yaalaa
Ku ildoogsadaayoo
Aragaaga waan tabay

Adimada dhaqaaqiyo
Uurkayga hoosaad
Ku abuurantahayood
Ifkaan kuugu jecelay

Waan oon qabaayoo
Ku ilaawi maayee
Axdi kaan la qaadow
Inaan kuu abaarsaday
Adna ii ogsoonow

Abidkay intaan jiray
Axad kale ma aaminin
Ma amaanin ruux kale
Adigaa i gaabshoo
Kugu uur fayoobahay

Aqligiyo xiskayga
Waan kugu aamano
Wiil kale aduunyada
Kama eegan karaye

Exit mobile version