calan weeyi sharafloo
cawo iyo ayaan loo
CAADIL uu ina siiyee

cishadaynu taagnaa
cadceedu noo iftiinto
daruuruhu curteeno
caafimaad dareenee

horaan u caraabinoo
caadifadi na qaadoo
cidlo aan ku tuurnee
dhayal laguma soo celin

ciidaa u oloshoo
ubadiyo cirooliyo
curadaa u leegmoo
calan weeyi qaaliya

ciil tire weeyi kaniyo
cimrigii ha raagee
aan cisayno waligeen

dharaartaanu curinaa
caqligu noo shaqeeye
cadhadii na haysiyo
colaadii dhamaatee

Exit mobile version