Dhuumaha laga neefsadiyo
Laftiyo dhuuxaad dagtoo
Hadaan dhaayuhu ku ara?
Malaha waan dhiman lahaa

Dhamaan xididada jidhkiyo
Marinka dhiigaad xushoo
Sidii ruux igu dhex nool
Warkaaga ii dhadhama

Jacayl dhaboo dhinbila
Dhaaxaan soo wada marnee
Ka raystay dhibkii horoo
Dhiishani ubaxa gudoon

Dhigaa ruux kula midoo
Dhismaha qoys kula matala
Dhabarka wali laguma qaadin
Dhulkana cago wali masaarin

Haduu caashaqu dhabyahay
Anaa helay geesi dhiiran
Sidii ubadkiyo dhalaan
I dhawrtoo ina dhagaysta

Dhamays waxa tahay dhabeel
Dhismaha sida dheeman luul
Dhidigu ka masayrsanyihiin
Waliba dhaayahayga bila

Exit mobile version